Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Dadka Xoolo Dhaqatada Ah Oo Loo Soo Wado Robbot Xoolaha Nool U Raacaya Sidi Dadka

Saturday - August 27, 2016



Todobaadkaan khubarada dhinaca tiknoolojiyada ee dalka Australia, gaar ahaan shirkad soo saarta qalabka Robbotka loo yaqaanaa, waxaa ay soo saareen oo ku guuleysteen tijaabo ay mariyeen Aalada Kokmbuyuutarka ah ee Robbotka loo yaqaanao kaasi oo xoolaha nool u raacaya sidii Dadka.

Qalabkaan oo loo yaqaano magaciisa "SwagBot" waxaa uu si la layaab leh u raacaya una ilaalinayaa xoolaha nool sida , Geela, Lo'da iyo Ariga oo u ku raacayo goobaha dhul-daaqsimeedka ah iyo waliba goobaha ay biyaha ka cabaan isaga oo ka dhawraya wax kasta oo dhibaato ah iyo in ay lumaan oo baadi noqdaan.
Khubarada qalabkaan soo saartay waxa ay sheegayaan in aaladaan ay ku rakiban-yihiin kamarado wax duubaya oo xaalada xoolaha ay raacayaan ku sugan-yihiin u gudbinaaya xarunta uu joogo qofka xoolaha lihi isagoo waliba duulaya oo dhinac walba ka mari kara xoolaha u ilaalinaayo sidii bani aadamku kolba dhinac ka soo rogaya oo xoolaha soo dabaalaya.
Robotka SwagBot ayaa la sheegay in u labo sano tijaabo ahaan u raaci-doono ama ilaalin-doono xoolo ay leedahay shirkad xayawaanka rabeysa oo ku taala dalkaasi Australia intaa kadib dadka xoolo dhaqatada ah loo ogolaan-doono in ay iibsadaan ama xoolahooda u soo qaataan si ay ugu Raacdaan.