Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Xidigi Tanade Ee Waayahaan Qaloocnaa Oo Soo Qumaatiyey .. Danjira-yaashi Tanade U Horkacay Ugas Maxamud Ugas Ee Mudaba Ruxaayey Maamulka Garowe Oo La So Hooyatay Afgarad Iyo Rajo Haruub Loo Tolon-karo

Friday - September 16, 2016




Garowe- Waxaa maanta iyo qasriga madaxtooyada Garowe ka dhacay kulankii labaad oo ay wada yeesheen wafdigi hal-doorka Tanade Daarood u hogaaminaayey Ma Liice Ugaas Maxamuud Ugaas Axmed iyo Madaxwynaha P/L Al-Digtor Cabdi Weli Gaas .. kulankaaso maamuuskiisi ugu horaanti ku dhacay isa soo dhaweyn iyo is marxabeyn, iyado goobtaas kulanka u madaxweyne Gaas intaan wada hadalka bilaaban ka raali galiyey wafdigi Tanade ee muddo halkaan ku raagay . intaa kadib wafdigi Tanade ayaa dhinacoda ka bilaabay dood iyo aaraa ku sal leh qadafooyinkii kolba dhinac soo dhiganaayey ee lagula kacay beesha iyo xal raadinta wixii kaga maqan beesha maamuladi soo jireenka ahaa iyo gaar ahaan maamulkaan u maanta madax ka yahay Digtoor Gaas.
 
Sida warku nagu soo gaarayo ugu dambeyn wada hadaladi iyo ajeendada baabkii furmay, oo si cilmiyeysan loogu lafa guray madasha, iyado doodi jirtay, aan waxba la isu qarin, iyado dhinac kasta warka iyo wixii dhacay la isu qeexayey, taaso wada hadalki dooda inti dambaba ku soctay Baashe saar, Rankii sayr, wuxuu markii dambe gabagabadisi la qaatay qodobo muhim ah oo ku saleysan is afgarad iyo rajo fican aan ahayn mid la isku maaweesho, oo runti la hubo haruubna loo si tolon-karo .. is afgaradkaaso u ka mid ahaa in markasta lagu shaqeeyo aragtida ah: Soorta, xilalka iyo deeqaha qaaraanka aduunka aysan reer kaliya dabar ku haysan. kuwana ay ka soo harto il-qoolaadis sidii Tukihi raq libaax ku fadhiya, balse si miisaaman oo wliba si xaq ah u dheeli-tiran loo wada raabsado, isla markaana wixii balanqaad ah oo madaxweyne Gaas fadhigaan ku sheegay u si deg deg ah uga dhabeeyo, taaso la isla gartay iney ku fadhido dib u soo celin cadaaladi iyo midnimadi shacabka Puntland .. waxaa kalo goobta shirka looga sharqamiyey in kala maqnaashahi codka beesha iyo maamulka Garowe oo zamankii dambe aad u yareyd ay sabab u noqotay xaqa la'aanta ku dhacday beesha. taaso la isla gartay in xiriirka madaxweynaha iyo beesha la joogteeyo .. dhamaadkii shirka iyo safar salaamadi waxaa lagu wada duceeystay in halka kheyr ku jiro illaahay ummadda wada waafajiyo

Ugu dambeyn ergadi Tanade oo aad iyo aad ugu faraxsan goolka ay shabaqa ku jareen ayey hadda isu diyaarineysa iney dib meylka ugu tiriyaan wadadi degaankooda aadeysay iyo xaruntii Galdogob .. Hambalyo, Hamabalyo guusha aad soo gaarteen.

Fiiro Gaara: Akhristayaasha waxaan ku wargalinayaa in hadda uu i soo gaaray war sheegaya in ergadi beesha safarkoodi xagaa iyo galdogob la hakiyey oo la yiri madaxweynaha ayaa dib ula kulmeysaan ila laba beri gudahood. waxaana la mala-awaalaya inu rabo in u kala tashado arimo gaara.