Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Cabdulaahi: "Rag Shareecadu Shuuftay Xujoobe" Nuur Cade: "Shiikha Waxa Lagu Nacay Sheeko Xumida"

Tuesday - August 5, 2008

Mogadisho: Wararka laga soo xiganayo ilo kala jaad ah oo is ku xoqxoqa siyaasiyiinta isku mari la' maamulka Dawlada ee ku kala sugan Mogdisho iyo Baydhabo ayaa wad wada warar aan bahdaan qorayaasha webkaan Galdogob times aysan weli shaqshaqiin oo xaqiiqadiisa weli ka salgaariin,waxaana warku u dhacaya sidatan:

Waxay leeyihiin Raiisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo Wasiirkiisa arimaha dibada, waxay raali galin ka siiyeen Cabdulaahi Yuusuf hadalkii ka soo yeeray General Gabre ee ku saabsana ka raalinimada xil ka qaadista Maxamed Dheere, waxayna ballan qaadeen iney soo diri-doonaan guddi soo xaqiijiya xirirk lagu eedeeyey, lana sheegay Generalkaas inu la turbay masuullin ka dhan ah Cabdulaahi Yuusuf oo tobanle soo qaatay.