Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Dabinkii Mogdisho Laga Soo Shaqlay Oo Naf Daahira Lagu Lagdaayo Iyo Ciidamadi Puntland Iyo Galmudug Oo Weli Istabceynaya

Thursday - October 13, 2016



Gaalkacyo- Dagaalkii frontada ee Puntland iyo Galmudug weli waa sii kululaanaya waana la is hardinayaa, iyadoo labada dhinacba la isku hurgufayo madaafiicda-hawsarka aan cabir iyo xisaab-shiish aan loo istcmaaleyn, balse xabadihi sidi lax dhukani hadba dhinac isku qaadeysa meel jiho aan loogu tala galin ayey ku dhaceysa iyadoo shicibkii labada dhinacba madafiicdaas huguguftooda sahwi iyo hurdo seexan-waayey, waxaana la tilmaamaya in Rasaasta madaafiicda galmudug inta badan ay dhul iyo meelo maran dhuuxayaan.

Ciidamada Birmadka Puntland ciilka biirsaday ee u tababaran sida komandooska ayaa Rac Rac isu daba jooga oo qorshihi taatikada iyo xeeladaha farshaxanka dagaalka loo dhigay si fiican u fulinaaya, oo illa hadda dhul badan dhinaca galmudug ku sii durkayaan, waxaase la sheegay in ciidaankaas lala damcay tabco dhabar jabin si ay araxda uga jabaan, hasa ahaate horin ciidamo aagaas aan laga filaneyn oo reer puntland ah ayaa ku soo baxay oo halkaas shoolad dalaq ku yiraahdeen, kadib holaci loo geystay iyo dharbaaxadi ku dhacday laga dhigay wax la dilay iyo wax baqo galiyey.

Warka goobta dagaalka oo iska soo daba dhacaya ayaa markaan xusaya in ciidamadi puntland ay illa hadda ku sii siqayaan dhulal istraatiiji ah oo ku yaal dhinaca galmudug. waxaa kalo la sheegaya in labada dhinaccba ay dhinacyada maamuladooda ka helayaan taakuleyn isgu jirta raashiin iyo rsaas.

Waxaa kalo warku nagu soo gaaraya in kuwa indhaha ku kala furay collaada sokeeye hargoolayaal ah, is oohinaaya kana soo jeeda dhnaca baraxley ay qaylo roor iyo baaq dagaal daasad iyo mooye ugu tumeen hogaanka dhaqanka reer Dhusamareeb iyo Cadaado oo ay qiiro ku yiraahdeen; waan is xignaa iyo anaga isku reera ee ina adoogow xaajadu waa mashaqe ee maxaa idin hilmaansiiyey abtirsiinyihii iyo maad nala dagaal gashaan, laakiin doodaas liidata iyo waxay dalbeen sida xogta lagu helay warkoodi waa la daadshay, oo markey arkeen marin habowgooda waxaa loogu jawaabay; reer adoogeenow anagaaba waxaan ku hafsanahay mawjado siyaasadeed, teeda kale taariikhda dib u raaca oo caqligi 1991 ee ku qotomay beenta iyo qori is maris-nimada weligeed socon-meyso oo sheekadiinu maanta iib geli-meyso ee u dulqaata idinkaa dalbaday maag, ilaaq iyo Dabe.