Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Odayaal Iyo Sarakiil Darajo Maamuus Ku Leh Somaalilaand Oo La Amray In La Soo Qabto

Wednesday - August 6, 2008

Burco: Ciidan amran oo wata gaadiid tikniko ku hubeysan ayaa shalay galab gaaray magaalada xarunta u ah Gobolka Togdheer ee Burco, kuwaasoo la sheegay in ujeeddadoodu ahayd soo qabashada rag ay ka mid yihiin Ibraahim Dhegoweyene, Xasan Guure iyo Oday Deyr Maxamed Cilmi, oo intuba caan ku ahaa dagaalkii SNMtu la gashay ciidamadii soomaaliya 

Wararka ka imanaya magaalada Burco, ayaa waxay sheegayaan in ciidan iyo tikniko ka ambabaxay magaalada Hargeysa ay u tageen hawlagalka qabashada saddexdan shakhsi la sheegay inuu amray Taliyaha Sirdoonka Qaranka Somaliland Mr. Maxamed Nuur, hase-yeeshee tallaabadani xiisad kulul ayey ka abuurtay magaalada Burco, kadib markii ay dadweynuhu si weyn ugu caroodeen xarigga loo qorsheeyay soo qabashadooda.