Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Qisadi Waalidiinti Dhashay Caalimkii Ugu Weynaa Islaamka Imaam Abu Xanifa

Friday - October 21, 2016



Ma guursan lahayd gabar indha la, dhaga la, oo aan hadli karin, Soconna karin Naag Noocas Ah Waxay Dhashay Caalimkii Ugu Wayna Ummada Islaamka .. Hadaba waxa jiray nin safar u baxay maalin intu jidka ku sii jiray uu sii socday ayu wuxu garab maray beer, wuxuuna arkay tufaax jidka yaalo oo kasoo dhacay laan kasoo dhala baxday deyrkii beerta ama darbiga.
Ninka waxa haysay Gaajo aad u daran sida darteed wuu qaatay tufaaxii jidka yiilay, wuxuuna bilaabay inuu cuno tufaaxii, lakin markii uu socday xogaa wax yar kadib waxa helay walwal ah inu cunay wuxuusan isaga lahayn, inu cunay cunto aanan xalaal ahayn kadibne wuxu kusoo laabtay beertii uu garab maray isagoo raadiyay ninkii iska laha beerta si uu ugu sheego inu cunay tufaax uu jidka ka helay oo kasoo dhacay laan ka dhala baxday beerta.
Hasa yeshee ninka wuxu rabay inu iska bixiyo lacagta u dhiganta tufaaxa uu cunay ama laga cafiyo intaba markii uu arkay milkiilihii beerta ayu u sheegay arinti. Milkiilihii aya la yaabay daacidnimada ninkan.
Deedna wuxu u sheegay inu cafis u fidin doono haduu aqbalo hal shardi, shardigaas oo ah inu guursado gabartiisa oo dhagoole ah, indhoole ah, aan hadli-karin, sidoo kalena aan socon-karin. Ninkii arintan Fajac ayay ku noqotay, wuxuna bilaabay inu arintaas ka fikiro kadibne wuxu isku qanciyay inu aqbalo islamarkaane uu guursiga gabartaas dhibatooyinka badan haysato hadii kale uu naarta gali maadaamo uu cunay tufaax uu jidka ka helay oo kasoo dhacay laan dhala baxday
Dabadeed wuu aqbalay guurkii isagoo cadaabka Ilaahay (SW) ka carar ah. Hadaba guurkii aya dhacay habeenkii aya la galbiyay ninkii isagoo murug iyo xumaan ay ka muuqato, ileen naag uu la bood-boodo kama horaysee markii uu galay qolkii wuxu indhaha saaray haweenay quruxda ku taalo uusan waligiis arag Inta waxa dheer, wax way aragta, wax way maqasha, way hadli kartaa Naafana ma ahan oo way socon si walbo way u dhaqaaqeeysaa Waxayna lahayd haybad aad u wayn iyo cilmi aan xad lahayn oo rabi ugu deeqay kadib waxay ninkeedii ku tiri " Waan ogahay inaad yaabantahay ileen Aabahay Ayaa kuu sheegay inaan indhoole ahay, taas wuxu ka waday waxaan indhahayga ka dabooshay wax walbo oo uu Eebe raali ka ahayn aragooda Wuxu kuu sheegay inan dhagoole ahay, taana wuxu ka waday waxaan dhagaha ka dabooshay hadal walbo oo malaa-yacni ah Wuxu kuu sheegay inaanan hadli karin, taana wuxu ka waday inaan ka aamusay hadal walbo oon ka ahayn Xasuusta Alle Wuxu kuu sheegay inaan ahay ruux naafo ah oon socon karin, taana wuxu kawaday inaan ka fariistay qabashada ama u istaagida wax walbo oo xaaraan ah.
Hadaba Inanyahow Aabahay wuxu sidan u yeelay rabitaan ah inaan helo nin Alla ka cabsado oo i mutaysan karo.
 
Ogow ninkaas Alla ka cabsiga badan oo eed dusha iska saaray xabad tufaax ah oo uu jidka ka helay darteed, hadana aqbalay shurudihii aadka u adka isagoo cadaabta Eebe ka carar ah iyo haweenaydii diinta iyo quruxda badneyd ee iyadana Alla ka cabsiga badneyd waxay umuda Islaamka u hibeeyeen Caalim ka midka ah culimada Islaamka Abid kuwo ugu waaweyn, Ugu danbeeyntii Aabihii Imaamyada, iyo Imaamkii koobaad ee Afarta Mad-hab: Imam Abu Xanifa. Ninka iyo haweenayda kor ku xusan wa waalidkii Imam Abu Xanifa.