Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Gargaarka Hay'adaha Samafalada Somaaliya Waa Sida Gargaarkii Samafalka Xayawaanka Duurjooga Ay U Fidisay Xayawaankii Nimcoolayda La Dhaqdo Ee Masiibada Ku Habsatay

Sunday - November 20, 2016



Xawayaanka Eebe koonka ku abuuray waxa ay u kala baxaan laba qaybood: (1) Qaybta dibadjoog ah , oo ah nimcoolayda la dhaqdo. (2) Qaybta duurjoogta ah, oo ah tan ayda ku nool .. Seben hore waxa la sheegay inay xoolaha dabjoogta ah masiibo abaareed ku habsatay sida noolaha kaleba ay ugu dhacdo. Dabadeed dhibaatadaa soo foodsaartay si ya uga samatabaxaan, waxa ay gargaar iyo gurmad weydiisteen walaalahood ay isku haybta yihiin ee ay wadaagaan afarta lugood. Gurmadkii iyo gargaarkii duurjoogtu u fidisay dabjoogtu wuxuu u dhacay sidan:

Libaax: oo ah boqoorka duurjoogtu wuxuu yiri waxa aan madax ka ahay hayadda daryeelka iyo horumarinta Geela
Shabeel: oo ka mid ah kuwa ugu orodka dheer afar lugood-laha, wuxuu yiri: waxa aan madax ka ahay hayadda daryeelka iyo horumarinta oo waayadii hore ka tirsanayd xawayaanka dabjoogta ah.

Waraabe: wuxuu yiri, waxa aan madax ka ahay hayadda daryeelka iyo horumarinta Lo’da
Haramcad: wuxuu yiri, waxa aan madax ka ahay hayadda daryeelka iyo horumarinta Riyaha
Dacawo: waxa ay tiri, waxa aan madax ka ahayd hayadda daryeelka iyo horumarinta idaha
Guduudane: wuxuu yiri, waxa aan madax ka ahay hayadda daryeelka iyo horumarinta Maqasha
Xoor (dabacadde): wuxuu yiri, waxa aan madax ka ahay hayadda daryeelka iyo horumarinta Digaaga
Doofaar: wuxuu yiri, waxa aan madax ka ahay hayadda daryeelka iyo horumarinta Beeraha
Bisad-Duur: waxa ay tiri, waxa aan madax ka ahay hayadda daryeelka iyo horumarinta shimbiraha
Aboor: wuxuu yiri, waxa aan madax ka ahay hayadda daryeelka iyo horumarinta Looxa

Go’aankii xawayaanku wuxuu noqday mid xawayaan-nimo, oo halkii cabashada dabjoogta ay waxa ka qaban lahaayeen, waxa ay kala qaybsadeen quudashada intii hartay, taasina waxa ay la mid tahay Hayadaha samafalka ee uu soo gurmada meelaha ay ka dhacaan macaluushu, gaar ahaan kuwa Qaramada Midoobay. Hay’adahaasi waxa ay u shaqeeyaan qaab dillaalnimo, oo halkii ay macaluusha ka dawayn lahaayeen ayey mucaawinada loo soo dhiibay waxna bangiyada adduunka dhigtaan, waxna si fool xun ugu tamashleeyaan huteelada Kiiniya oo sidey u cunayeen macmacaankii umada ay calooshi faaxday laba daran leekaatay.