Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Baraarujinta Jimcaha " Xarumihi Dacwada Islaamka Laga Fidin Jiray Ee Geska Afrika

Thursday - August 7, 2008

Ugu horeyntii marka laga hadlayo xaruumaha dacwada islaamka ee Soomaaliya waxaa jira laba xaruumood oo kala hogaamiya xaruumahaas waxayna kala yihiin:

•  Magaalada Harar oo horkaceysa xaruumaha ku yaala galbeedka Soomaliya oo dhan

•  Magaalada Muqdisho oo horkacaysa iyaduna xaruumaha kuyaala koofrta Soomaaliya oo dhan.

1-Magaalada Harrar

Waxay kutaala geeska galbeed ee dhulka Soomaalida waana xaruunta ugu weyn ee ay ka farcamaan xaruumaha dacwada islaamka ee galbeedka Soomaaliya oo dhan magaaladaas muhiimaka ah Allaah baa waxaa uu qadaray in ay gumeysi gacanta u gasho ilaa manta aanu joognana ay kujirto.

Harrar & dowrkeeda dacwada islaamka

Horta magaaladaas islaamku waxaa uu soogaaray qarnigii kowaad ee hijradii nabiga N.N.K.H waxaana soo gaarsiiyay Shiikh lagu magaacaabijiray Sh.Abaadir Allaah ha u naxariistee.

Magaalada Harrar qarnigii 13 ee miilaadiga waxay noqotay xaruunta ugu weyn xagga fidinta dacwada & thaqaafada iyo fiqhiga islaamka ee bariga afrika qarnigii 16aad waxay gaarta meesha ugu sareysay sharaf xagga fidinta diinta islaamka marki uu Axmad Gurey ka dhigtay xaruuntii kuxuumadiisa iyo xaruuntii fidinta diinta Islaamaka ee wiliba uu firfircoonida xaga dacwada iyo fidinteedaba gaarsiiyay 60% dhulka xabashida oo dhan.