Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Madaxwene Cabdulaahi Oo U Duday Sidii Cir Habqamay Iyo Mr.Zenawi Oo Ku Diqsamay Warka Generaladiisa

Monday - August 18, 2008

Adisababa, Mogadisho, : Wararka iyo xuuraanka ka soo baxaya magaaladda Adisababa iyo Villa Somaaliya lana socda buuqa siyaasadeed ee ka dhex aloosan masuullinta soomaaliya ee iiminkana ku shiraya hoteelada Adisababa, ayaa carabka ku dhuftay in khilaafkii iyo mugdigi la kala dhex dhigay Cabdulaahi Yuusuf iyo madaxda itoobiyaanka u ku dhamaaday gacan-saar iyo afgarasho, oo iminka ay harsantahay oo qura xalinta khilaafkii Cabdulaahi Yuusuf iyo Nuur Cade . 

Sida warku shabakadan Galdogob Times ku soo gaaray, siyaasiyiinta iyo masuullinta garabka madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf, waxaa markii hore cajab iyo mucjiso ku noqotay sida dhiiran oo ay u aqbaleen itoobiyaanka casilaadii lagu sameeyey Maxamed Dheere, oo ay ku tilmaameen talabo saxa ah oo u qaaday Nuur Cade, waxayna farta ku fiiqeen Maxamed Dheere inu yahay, nin anshax-daran oo dhuuni-raac ah, ahna abeeso ku shaqeeyneysa dhagrid iyo khatal.

Sida qaalibka, haddi Rag kula soo dago,kuguna noqdaan xaasad, oo xuduud iyo heshiis xeer aadan la dhigan, Is-xaydxaydka iyo muran goor dambe wa doqonta xaalkeeda, madaxweyne Cabdulahi Yuusuf iyo kooxdi la jaalka ahayd waxay ku baraarugeen iyadoo xeel awgeed xanbaarad lala helay oo xabadka laga fuushan yahay, waxaana u soo baxday in inqilaab iyo shirqol wada jir loo maleegay ay ku bixidoonaan, oo ay ka dambeyaan Generalada itoobiyaanka iyo koox soomaali ah oo kaashaday wasiirka arimaha dibada Mr. Masfin oo sida la sheegay la siiyey war sixran,dabadeedna noqday haramcad guuxaya.