Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Markii Sadexaad Oo Ay Shirayaan Madaxda Dawladda KMG

Monday - August 18, 2008

Addis Ababa: Warar xogogaal ah oo naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Madaxda Dowladda KMG ee Soomaaliya kulamo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka ka dhex jiro ay ku leeyihiin dalkaasi, waxaana warku inta ku daraya in kulankii ugu danbeeyay ee mas'uuliyiintan isugu yimaadeen xalay, kaasoo ka dhacay Hotel Hilton ee Addis Ababa, waana shirkii sdexaad oo ay ku kulmaan

Sida laga warqabo labadii shir oo hore ay yeesheen wax natiijo ah kama soo bixin, kan haddana Lama oga waxyaabha iyo qodobada ay kulankaasi ugu hadlayaan. balse waxaa la filayaa in manta kulankooda ay ku gaaraan go'aan mideysan oo meesha ka saaraya khilaafka iyo mad madowga ku dhex jira Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde.