Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Col. Barre Oo Maanyada Mawjad Dhiiga Ku Caseeyey Kdib Markuu Quus ka istaagay Shabaab Xiimaya

Thursday - August 21, 2008

Kismaayo: Warar kala duwan ayaa naga soo gaaraya magaladda kismaayo oo sheegaya in bryahaan xiisadii colaadeed ee halkaas ka taagneyd ay ugu dambeystii ku soo dhamaatay dagaal faraha laysaga gubtay, oo dhex mara kooxo Al- shabaab sheeganaya iyo maleeshiyo u hogaaminayo Col. Shaariboole Barre Hiiraalle, dagalkaas oo la sheegay maanta inu weerarkiisa u lahaa Col. Barre, kadib markii baabuurkiisa la sheegay in miino loo dhigay hasa-ahaate u ka badbaaday.

Sida la sheegay Kooxaha Al- shabaab iyo niman isku dhafan oo maxaakiimta ka socda, ayaa waayahaan dambe si xad dhaaf ah ugu soo qulqulayey xaafadaha magaalada kisimaayo oo ka sameysanayey xaruumo ay isku abaabulaan si ay maleeshiyada Col. Barre Hiiraale uga saaraan gacan ku haynta magaaladaas Kisimaayo, kooxahaas oo sida la cadeeyey saldhig taakuleyn iyo gurmad ku leh Tuulada lagu magacaabo Luglaow oo degmada Goobweyn iyo yoontoy u dhaxeysa.