Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Jimcaha iyo Baraarujinta Maanta " Quusta Waa Geerida Nolosha Ku Timaada" By Sheekh Mustafa Haarun

Thursday - August 21, 2008

Johannesburg, South Africa: Sheekh Mustafe Ismaaciil Haaruun oo ka mid ah culumida Soomaalida ee Qarnigan ugu-caansan ayaa booqasho diimeed oo 10 maalmood ah ku yimid wadanka Koonfur Africa. Waxaa casuumadan u fidiyey sheekha Masjidka Soomaalida Johannesburg ee Al-Bayaan si uu muxaadaro & waano diineed ugu jeediyo dhamaan bulshaweynta soomaaliyeed ee ku kala dhaqan wadankan K/Africa, sida uu iixaqiijiyey Sheekh C/Risaaq (Mowlaana) oo kamid ah maamulka Masaajidka Al-Bayaan.

Fadiilatu Sheekh Mustafa Ismaaciil Haaruun oo ey ka soo galbiyeen culumo Soomaaliyeed Madaarka weyn ee Johannesburg ayaa Muxaadaro aad u qiimobadan oo ku saabsan (Midnimidda Walaalaha Islaamka) ka jeediyey Masjidka Al-Bayaan ee Xafada Mayfair, muxaadaradan oo dad aad u tiro badani ey ka soo qeybgaleen dhageysigeeda ayaa aheyd mid sigaar ah u taabeyneysa gaar ahaan Bulshoweynta Soomalida ku dhaqan K/Africa oo marka latago dilka axmaqdaradda ah (sida qof noool oo lagubo) ee sidajoogtada ah loogu hayo, dhaca i.w.m ayaan Soomaalida K/Africa kuguleysan in ey yagleeshaan Naadi guud oo kashaqeeya danahooda.