Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Xuurkii Iyo Waraabihi Waamo Oo Duceeyey Markii Ay Si Hagar La'aan Ah Uga Harqadeen Meydkii Hanadada

Friday - August 22, 2008

Kisimaayo: Warar kala duwan oo ila kala duwan ka soo baxay, ayaa tibaaxaya in gacan ku haynti magaalada kisimaayo ay iminka loo badinayo iney ku jirto dhalinyaro wadaado sheeganaya, oo isu bahaystay la dagaalanka maleeshiyadi Col. Barre Hiiraalle.

Sida taleefoono halkaas lagula xariiray ay sheegayaan, meesha dagaal xun oo naxariis daran aya ka dhacay, waxaa la duqeeyey suuqyadi dadweynaha, dad badan oo aan mudneyn ayaa xabado laysaga seeyriyey oo halkaas ku halaagmay, danyartii iyo masaakiinti iyagana halkaas ayey ku dayacmeen.

Dadku waxay u yaacaan hadba kob ay nabad u doontaan, saas oo ay tahay kuma nabad galin oo xabdo wiifaya ayaa ka daba tagtay oo ay meydkooda meelaha waranyihiin, dabadeedna waraabuhu hilibkoodi ku harqaday, kana duceeya sida sharafta leh ee loo sooryeyey, laakiin sida la xusay ma jiraan dad la qabtay oo la dilay ama aano qabiil loo raadsaday.