Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

M.Roobow " Wixii Diida Awaamirta AL-Shabaab Waxay La kulmi-doonaan Qunbulad Rasaas Balo Ka Qiiqayso"

Monday - August 25, 2008

Kisimaayo: Shalay ayaa magaaladda kisimaayo barxad ay dadka isugu yimaadeen, waxaa khudbad dheer ka jeediyey afayeenka Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow oo si cad-cad uga warbixiyey dagaalada kisimaayo ka dhacay iyo kaalinta ay ku lahayd al-shabaab soo dhicinta gobolka.

Sheekh Mukhtaar Roobow, oo sida la sheegay korkiisa ay ku shakadeysnaayeen rasaasta Qoryaha, buntukh daba jeexana garabka uga laalaaday, iyadoo isla markaas dhawr nin oo garcas ah ay si asluubeysan hareeraha ka taagnaayeen oo ay ka muuqatay fijignaan, hinraag iyo was-waas ay ka qabaan in goobta lagu soo weraro.

Shiikh mukhtaar Roobow oo siyaabo badan uga hadlay dagaaladi ka dhacay kisimaayo, waxuu sharax diimeed ka bixiyey jihaadka iyo la dagaalanka gaalada, isagoo daboolka ka qaaday in al-shabaab wixii ay iska horyimaadaan ku huridoonaan dab iyo baaruud,waxuuna tilmaamay kuwa kufaarta la socda iney yihiin najuusiin naar-quutayaal ah oo daldalaad u qorantahay, Sheekh Mukhtaar oo hadalkiisa si wata, oo digasho iyo faan ay ka muuqato waxuu yiri, " wixii maanta ka dambeya waxaa magaalda maamulaya al-shabaab oo iyagaa amarka laga qaadanaya, wixii diidana waxay la kulmi-doonaan qunbulad rasaas oo balo ka qiiqayso" .