Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Dalka IIraan Oo Dadaal Ugu Jira Sideynta Maraakiib Looga Afduubtay Puntlaand Ee Cariga Somaaliya

Monday - August 25, 2008

Tehran:Sida lagu soo waramayo dalka Iran, markii kooxo burcad badeed Soomaali ah ay markii ugu horeysay afduub u geysteen markab laga leeyahay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran maalintii Khamiista ahayd, ayaa dowladda Iran lagu soo warramayaa inay ku hawlan tahay sidii loo sii deyn lahaa maraakiibteeda iyo shaqaalaha la socda.

Agaasimaha guud ee socdaalka gaadiidka badaha ee dalka Iran Maxamed Xusein Dajmar, ayaa  sheegay in Iran ay isku dayeyso dadaal dhaqdhaqaaq dibolomaasiyadeed, si loo sii daayo badmaaxiinta lagu haysto xeebaha Soomaaliya.