Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Qufraan Eebe Weydiista, Ugana Quraana Saara Bulshada Anshax-darada Haysata

Friday - August 29, 2008

Brothers, Maalmaha soo socda, beri ama saadambe kii ay noqotaba waxaan si farxad leh ku soo dhaweyneynaa biishi barakeysneyd oo ilaahay naxariista noo siiyey, sidaad ogtihiina waxaan soomeyna iyadoo dalkii iyo ummaddi soomaaliyeed ay ku dhaceen daqaro waaweyn oo dadkii doc u fiyow ma jiraan, dumarkii iyo caruurti iyo wax garadkiiba waa la dubtay oo silic ayey ku noolyihiin.

Maamulada dalka guud ahaan ka jira oo dhinac walba ka burbursan oo xasiloonidi iyo maamulkii ay ka aradanyihiin bey oranayaan dawlad baan nahay, waxaana siyaasad iyo mid dhaqaaleba horkacaya dibjirkii iyo majnuunkii shalay isbaarada dhigan jiray oo wax walba fadhi barad ku ah, iyagoo meesha ku maamulaya sawdka qabiilka, waana kuwa damiirkooda wixii fiican kala dagaalamaya, waa kuwa iyaga iyo dugaaguba inaba wax isma doorshaan.