Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

"Mawjad Bey Ku Hafan-doonaan Cidii Nagu Soo Faragalisa Maamulka Kismaayo"Sidaa Waxa Yiri Duubabka...

Tuesday - August 26, 2008

Kismaayo: Shiir ay soo qamanqaamiyeen Odayaasha bulshada degaanka u dhashay waamo kismayo oo ay ka soo qaybgaleen badanaa beelaha soomaaliyeed ayaa looga hadlay qaabkii iyo sidii loo hirgalinlahaa maamul laga dhiso gobolka Jubada-hoose ee kismaayo.

Shirkaas oo doodiisi goor dambe laysugu habeeynsaday waxaa lagu falaanqeeyey fikrad ay soo jeediyeen odayaasha guurtada reer waamo, waxayna soo bandhigeen in gobolkaan loo aqoonsado meel ay soomaali oo dhan ay ka wada dhaxeyso oo qof kasta xaq u leeyahay inu ka qaybgalo maamulkiisa iyo horumarkiisaba, waxayna tilmaameen in kismaayo anigaa keligey leh wax badan la Eersaday caqli galna noqonweysey.