Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Meles Zenawi Oo Ku Cagajugleeyey Inu Ciidamadiisa ka Gurandoono dalka Soomaaliya Haddi......

Thursday - August 28, 2008

Adisababa: Males Zenawi ayaa Daboolka ka qaaday in wadankiisu diyaar u yahay inu la baxo ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya xataa inta aan la xaqiijin deganaansho iyo dhisida xukuumad uu ku tilmaamay mid Soomaaliyeed oo xoog leh oo wax-qabad leh.

Zenawi ayaa u sheegay Wargayska “Financial Times” ee ka soo baxa Cariga Ingiriiska in culayska Maaliyadeed ee haysta Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya uu yahay sababta ugu horeeya ee ay ugala baxayaan Ciidamadiisa gudaha Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay culayska Dhaqaale ee haysta Ciidamadiisa ay tahay mid la qarin Karin.