Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Guutooyin Itoobiyaan Ah Iyo Dayaaradaha Dagaalka Mareykanka Oo U Xaydxaydanaya Iney Boqongooyaan....

Saturday - August 30, 2008

Washintoon-Adisababa: warar aan ka soo xiganay ilo ku dhaw dhaw dipolomaasiyiin ka mid ah safaradaha Rer Galbeedka ay ku leeyihiin dalkaas kenya, ayaa si dadban saaxiibo ay ku kalsoonyihiin ugu carab laalaadiyey in Dawlada Mareykanka iyo Dawladaha saaxibadood ee mandiqada ay xay-xaydasho ugu jiraan sidi ay wax uga qaban lahaayeen Ururka al-qaacida oo faramarooqsatay gacan ku haynta magaalada kisimaayo iyo degmooyinka ku teedsanba.

Dipolomasiiyiintaas oo muujinayey iney ka didsanyihiin kooxaha qabsaday magaaladaas,waxay    hadalkooda ku odoraseen in magaaladaas ku tala gal qorsho lagu qabandoono muddo aan ka badneyn 15 cisho gudaheed, lana xakameendoono sugida amaanka gobolkaas jubada hoose oo dhan, si loo boqongooyo kooxda qaacidada ku soo noqnoqoneysa gobolkaas oo Reer galbeedka ku keentay qaraw sidii iyagoo cunay qunbulad qaada.