Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Boliska Kenya Oo Aan Si Naxariis Lahayn Ugu Tacadinaya Soomaali Xadka Kenya Naf-lacaari Ku Gaartay

Tuesday - September 2, 2008

Dhoobley: wararka naga soo gaaraya dhinaca Dhoobley ayaa sheegaya in pooliiska dalka Kenya ay Soomaali Fara badan ku xirxirtay Xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya, kuwaaso sida caadada ah doonayay in ay qoxooti ahaan ugu gudbaan dalka Kenya.

Sida ay tilmaamayaan wararka halkaas ka soo baxaya, Deegaanka Dhoobleey oo ku yaala xadka uu dalka Kenya kala wadaago gobolka J/hoose in ciidamada Booliiska Kenya ay xabsiyada u taxaabeen Qooysas fara badan oo Soomaali ah kuwaasi oo ka cararay dhibaatooyinka dhawaanahan ka taagnaa qeybo ka mid ah gobolada Jubooyinka.