Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Dawlada Ruushka " Reer Yurubow Hilinkaad Ku dhicidoontaan Waa Mid Aan Laga Habaabeyn Hadaad Buush...

Tuesday - September 2, 2008

Brussel: Madaxda Yurub oo qaylo dhaan isugu dhuftay si ay uga shawraan, waxa ay ku sheegeen hujuumka Ruusha, ayey shawr sadex cisho soconayey ku dhigteen dalka Beljum caasimadeeda Brussel, waxayna halkaas uga doodeen sidii looga hortagi lahaa weerarka iyo durdurinta Ruushka u ku soo qaaday dalka Gorgiya oo u kala jarjaray sidii Oodkaca, dood iyo muran ka dib waxaa shirkii hareeyey khilaaf qaabkii war-murtiyeed mideysan loogu soo saari go'aanka shirka.

Dawladaha shirkaas ka soo qayb galay oo ay cagacageynayeen 27Dawlo, waxay badankooda ka mideysnaayeen in ay caqli-gal ahayn cunaqabateynta ruushka amase xita ay adgtahay in  cambaareyn lagu sameeyo, fikradaasna waxaa hor boodayey madaxda jarmalka oo iyadu u aragtay sheekada iyo ka hadalka cunaqabateynta Ruushka ay tahay naanaa iyo dameer bararfleeyey oo kale.