Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Madaxweyne Riyaale Oo Amray In La Siiyo Xuriyadooda Xirsi Cali Xasan Iyo Xasan Xaashi

Thursday - September 4, 2008

Hargeysa : Xukuumadda Daahir Riyaale ayaa xabsiga ka siideysey Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Xirsi Cali X. Xasan iyo Abshir Xasan Xaashi oo labaduba u xirnaa arrimo siyaasadeed.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka, Xirsi Cali X. Xasan waxay ciidamada Boolisku ka soo qabteen tuulada Magaala-yar oo bariga ka xigta magaalada Burco 03 August, 2008, waxaana la siidaayey maanta oo taariikhdu tahay 03 Sept. iyada oo aan maxkamad la horgeyn.