Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Jimcaha Iyo Baraarujinta Maanta: " Islaamku Waa ILbaxnimo" By C/Saciid Cabdi

Friday - September 5, 2008

Kadib markii ay baaba'tay awoodii Midowgii Soofiyeetiga, baa waxaa lagama maar maan noqotay in la hello cadow ay u dhan yihiin reer galbeedka oo u beddela waraabihiihii Midowga Soofiyeeti.

Markii kaynta loogu dhaqaaqay baarid si loosoo hello waraabe ay reer galbeedka si wada jir ah ugu soo hor jeestaan, laguna xoojiyo midnimadooda, baa waraabihii reer galbeedku soo helay wuxuu noqday Islaamka, sidaas darteed in badan oo ka mid ah qalabka warbaahinta iyo siyaasiyiinta reer galbeedku waxay isku howleen inay Islaamka iyo Muslimiinta ka bixiyaan sawir leh Islaamku waa diin seefta oo keliya aaminsan, Muslimiintuna waa ca-waandi asal raac ah oo mayal adag "Fundmentalism", oo haddaan inta ay goori goor tahay laga takhallusin ay ilbaxnimada reer galbeedka duminayaan.

Sidaas darteed qof kasta oo Muslim ah gaar ahaan wax garadka waxaa la gudboon inay isku howlaan siday ilbaxnimada Islaamka adduunyada ugu soo bandhigi lahaayeen, iyaga oo aan wax ku darin waxna ka jarin.