Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Ardadii Soomaalida Ku Xirneyd Bakistaan Loona Haystay Argagaxiso Oo La Sii Daayey

Friday - September 5, 2008

Islamabad- Waxa maanta la sii daayay 5 Arday oo ka mid ah ardaydii horaantii August lagu xirayay dalka Pakistan, Ardaydaas oo ka mid ahaa ardayda Pakistan wax ka barata ayaa xoriyadooda dib u helay kadib markii lagu waayay gabi ahaanba wax dambi ah oo ay galeen iyo wax fal ka baxsan waxbarashada oo ay habayaraatee ku lug lahaayeen.

Sida warku sheegayo ardadaas Waxaa soo xiratay hayada sir-doonka baakistaan oo ku tuhunsaneyd arimo la xariira argagixisada, hasa ahaate baaris dheer oo ay sameeyeen ma ay helin wax raad ah oo arintaas lug ku yeelankarta.