Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Dabley Soomaaliyeed Oo Ku Durdurisey Degmada Mandheera Kenya Kuna Dishay Sarakiil Iyo Shacab

Monday - September 8, 2008

Mandheera kenya: Warka ka iimaanaya magaalada mandheera kenya ayaa sheegaya in Maleeshiyaad Soomaali ay gudaha degmada Mandheere ee dalka Kenya ku dileen Saraakiil ka tirsan Booliiska dalka  Kenya iyo in kale shacab ah oo aan weli si fiican loo soo xaqiijin cadadkooda.

Dadka dilka fuliyay ayaa looga shakisan yahay in ay dalka Kenya ka galeen dhanka Xadka Dalka Soomaaliya uu la wadaago dalkaasi, waxayna halkaas markay weeraka ay fuliyeen ka qaateen saraakiishi iyo askarti ay dileen, qoriyihii ay wateen iyo rasaas aad u fara badan .