Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Warar Qubana Ah Oo Koo-kooban

Monday - September 8, 2008

Kenya: Ninka la dhashay Baraka Obaama Oo xaga Aabe ay Walaalo ka yihiin ayaa la soo wariyey inu ku noolyahay magaalada Nairoobo ee cariga kenya, Ninkaas oo lagu magacaabo Gorge Xuseen Ofiyago Obama, waxaa maalinti dakhligiisa soo gala oo u ku noolyahay lacag u dhiganta 1$ oo mareykan ah, Mr.Gorge waxuu sheegay inu ku noolyahay nolol ceeqsan oo aan cidna u ogeyn.

 

Dallas-Ameerika : Waxa todobadkaan magaalada Dallas ee cariga Mareykanka ku baqtiyey haweyneydi ugu weyneyd daanyeerada aduunka ee loo yaqaan "Guriilaha", gorilahaas oo ku sugnaa beerta xanaanada xoolaha duur-joogta ee magalada Dallas, magaceeda loogu yeeri jiray "Genny" waxay da'deedu ahayd 55 sano. Goriila Genny geerideedaa waxaa lagu sababay cuntadi oo ay ka soontay, kadibna markii la baaray waxaa la ogaaday in caloosha uga taallo buro ka soo baxday, oo dabadeed adkaatay sidii wax looga qaban lahaa, takhaatiirta ku shaqo leh caafimaadka Gurilahaas waxay sheegeen in ay qaliin ku sameyndoonaan meydkeeda si ay u ogaadaan sida buradaas u saameeysey jirkeeda.