Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Waan Is Sharaxaya Cid Aan Ku Xadgudbeyna Ma jiraan, Sidaas Waxaa Yiri Maxamed Dheere

Wednesday - September 10, 2008

Muqdisho- Max’ed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheerre) Oo ahaa gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday inu damac ka hayo qabashada xilka Maamulka gobalka Banaadir, isagoo sheegay inu tartanka sharaxaada galayo.

Maxamed dheerre wuxuu sheegay inu mudaddi u xilka gobolka hayey uu qabtay hawlo badan oo horumar leh oo ay ka mid tahay bilicsmidi Caasumada Soomaaliya oo la soo coliyey iyo Mushaar joogta ah oo uu siinayay Shaqaalaha dawladda Hoose ee Caasumada Soomaaliya.