Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Jimcaha Iyo Baraarujinta Maanta " Xigmada ka Macaan Timirtii Madiina" By Maxamed Axmed

Thursday - September 11, 2008

Bismillaah Arraxmaan Arraxiim.

ALLAAH ayaa mahad kulligeed iska leh, xaal uuyahay kan cirka dhisay dhulka gogley, buuraha muday, daruurahana wada. Rabiga quruumihii hore iyo kuwaan dambe, Rabiga samooyinka iyo dhulalka, Rabiga Malaa'igta & Rususha, Rabigaas oo ah kan-og xaalka quraanyo madoow oo habeen madoow dhagax madoow dushiisa kusocota.

Naxariis iyo nabad gelyo waafi ahi korkiisa ha ahaato Nabigeennii suubanaa Muxammad, xaal uu yahay raxmaddii caalamka, bishaareeyihii Jannada, kadigihii naarta iyo cadaabka Alle.

Inta aanaan u gelin qalbiga mawduucan aan ciwaankiisa kor kusoo sheegnay, waxaan jecelnahay inaan wax yar kataabanno sideeda waxa ay tahay xigmadu?.

Xigmadi waa DHIGIDDA SHAY WALBA MEESHII UU KUHABOONAA, haddii aan si kale u niraahnana waxay kaloo noqon kartaa xigmadi, iyadoo hadal yar lagu sheego waxa faa'iido ugu jirto bini'aadamka AAKHIRADIISA ama ADUUNKIISA.