Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Wafdi U Hogaaminaayo Madaxweyne Riyaale Oo U Baqoolay Dalal Ka Tirsan Yurub

Sunday - September 14, 2008

Hargeysa- Wefdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa galabta dalka ka amba-baxay, iyagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkaas oo sida la xusay ay uga sii gudbi doonaan dalalka Faransiiska, Ingiriiska iyo Jarmalka.

Wefdigan oo ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxa madaxweynaha ku weheliyey wasiirada Maaliyadda iyo Arrimaha Dibeda, waxana madaarka ku sii sagootiyey Madaxweyne ku xigeenka, wasiiro xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Xeer-dejinta (Guurtida iyo Wakiillada), Siyaasiyiin iyo dadweyne aad u tiro badan.