Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Bush Oo Ku Haminaaya Inu Bam Baduuga Ku Xiro Nuuri AL-Maaliki Kadib Marku Maslaxadiisi Ka Dhabqiyey

Sunday - September 14, 2008

Washintoon: Warar hoosaad ah oo ay iska xig-xigteen siyaasiyiinta u dhuun-daloola arimaha ciraaq oo bogaga wargesyada wax ku soo qora, ayaa shaaca ka qaaday in maamulka madaxweyne Gorge Buush ay qaaxo raagtay ku noqotay madax-adeega iyo madadaaliska Raisal wasaaraha Ciraaq Mr. Nuuri Al-maalikii oo dhabqin ku haya qorsha istaraatijiyada mareykanka ay ka leeyihiin dalka Ciraaq.

Mr. Gorge Bush oo isku tiriya inu dunida kaligiis ka taliyo, waxuu is-tusaaleeyey in haybadii iyo qaranimadii Mareykanka ay jabtay kolkii Mr.AL-Maalikii lays baday oo miciinkii iyo wanaagi laga sugaayey u badalay inu gablamiyo jeelna ku miiso siyaasada iyo aragtida mareykanka. 

Sida Warku xaqiijinayaan oo laga soo xigtay saaxiibada garabka Mr. Nuuri AL- Maaliki, waxaa la tilmaamaya inu si adag uga soo horjeedo in ciidamada mareykanka ay saldhig ku yeeshaan dalka ciraaq oo ayen ku sugnaan dalka wixii ka dambeeya sanadka 2011, balse u door bidayo oo kaliya in labada dhinac ay yeeshaan xiriir guud xga siyaasada, dhaqaalaha iyo milartarigaba, taaso mareykanka ka gilgilanaayo oo u arkay abaal ka dhac iyo mid aan siinah ugu cuntameyn maamulka Mr. Bush.