Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Hororadii Xeebaha Soomaaliya Looga Caalwaayey Afduubka Oo Maanta Wiish La Kacay

Tuesday - September 16, 2008

Paris: Burcadi looga caalwaayey afduubka xeebaha soomaaliya oo u bartay iney maroojiyaan malyan iyo kumanyaal doolarka mareykanka, ayaa maanta habaas laga duuliyey oo laga dhiigeeyey waxaana ka dhacday "ba'yey hoogayey" iyo miskiin baan ahay aan many haysan.....caqli nimu ku weynyahay ma cuno calafka qaarkiise

Sida la sheegay ciidamada Komaandooska faransiiska ee ku sugan Badda Soomaaliya ayaa qaadayTalaabooyin milateri iyagoo la beegsaday Kooxo Burcad Badeeda ah oo heystay Dooni laga lahaa dalkaasi Faransiiska.

Warrsaxaafadeed ka soo baxay Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sargozy ayaa lugu sheegay in ay ciidamada Badda ee Faransiisku soo furteen doon laga lahaa dalkaasi Faransiiska oo ay wateen dalxiisayaal faransiis ah, taasoo ay burcadu mudo afduub ku heysteen kuna doonayeen malaayiin lacag madax furasho ah.