Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Warar Qubane Ah Oo Koo-Kooban

Friday - September 19, 2008

Galkacyo: waayahaan dambe shirar la isku balansaday ayaa dhex maray beelaha gaalkayo dega qaarkood siiba odayaal garka xayga ka cadaaday ee Cumar Maxamuud iyo kuwa waqooyiga dhinaca baraxleey, shirarkaas oo looga dan lahaa in dhinacyada ay ku gorfeeyaan kuna garnaqsadaan sidii looga hortagilahaa dilka waxshnimada leh ee loo geysanayo dadka aan waxba galabsan, waxay labada dhinac dood ka dib isku afgarteen iney si wada jir ah u cambaareyaan waxna ka qabtaan kooxaha fulinaya falalka argagixisada.

Beesha Sacad oo iyadu lagu Eedeynayey iney jihadooda ka iimaanayaan kooxaha sida waxshnimada wax u dila, waxay Eedeyntaas kaga andacoodeen in Reer Baraxley falaalkaas waxba ka ogeyn, balse ay qiireen in ay tahay arin dhinaca mogdisho laga soo abaabulo oo muraadku yahay in la is ku dhaco, waxayna xuseen in ay mixno ku tahay sidi ay wax uga qaban-lahaayeen mooryaantaas kireysan ee isa soo maqiiqeysa, hasa ahaate ay ballanqaadeen in intii karaankooda ka fiijignaan-doonaan kooxahaas qaadan ee dhinacooda ku soo dhuumaaleysanaya oo ay soo tabin-doonaan.

Odayaal Garcas u badan oo ka tirsan beesha Cumar Maxamuud ayaa ku talinaya in Reer baraxley aysan lahayn duqey iyo indheer-garad lagu dugaalo, sidaa darteedna xuduudi jiri jirtay dib loo soo cesho xeerna la dhigto, hasa ahaate odayaasha Tanade ayaa arnitaas ku tilmaamay mid aan mustaqbalka shaqeyneyn oo caqabo ku sii noqonkarta nabada iyo xasiloonida la doonaayo, oo fikrada khadka cagaaran ay tahay sheeko Sinyoorihii talyaaniga ku karaamadilayey ummada mandiqada, mana aha xeer dad  islaama sheeganaya oo daris ah ay qaadankaraan , waxayna ku baaqeen in dhinaca maamulka, boliska iyo sharciga ay arintu ka qurusantahay loona baahanyahay in maamulka iyo nabadgalyada loo madax baneeyo dad ehel u ah maamulkooda, oo laga daayo nin haybsi lagu meeleynaayo oo aan wax qabankarin. 

                 +++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++