Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Wiil Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Dalka South Africa

Saturday - September 20, 2008

South Africa : Wiil dhalinyaro oo Soomaali ah ayaa xalay Fiidkii kooxo baastoolado ku hubaysan weerar ku qaadeen xili uu ku suganaa Dukaan yar oo u ganacsi kaga shaqeysanayey, waxayna u geysteen dil aad u fool xun oo sababay dhimashadiisa.

Dilka waxa uu ka dhacay tuulada la yiraahdo Matasana oo qiyaasti 25km dhinca waqooyi kaga beegan magaalada East London gobalka Eastren Cape, sida laga soo sheegayo magaalada Cape Town dilkani waxa geystay kooxo bistoolado ku hubeesan oo si gaar ah u ugaarsata muhaajiriinta dalkaas ka ganacsata.

Wiilkaas Somaliga ah oo dilka loo geystay Xili uu ku suganaa Dukaankiisa haddana waxaa dukankiisi loo geystay Dhac,wuxuuna dilkaan ku soo beegmay xili booliska ay halkaasi ku dileen mid ka mid ah burcad hubeesan oo rabtay iney dukaan dhacaan, lix kalana ay qabteen una taxaabeen xabsiga .

                                                    Galdogob Times News Desk