Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Waa Markii labaad Ee Todobaadkaan La Weeraro Markab laga Leeyahay Dalka Giriiga

Sunday - September 21, 2008

 Bosaaso : Markab laga leeyahay dalka Gariiga ayaa lagu weeraray badda weyn ee Somaaliya iyadoo markhaatiyaal saarnaa markabka ay cadeeyeen in markabka lagu soo weeraray meel ka baxsan xeebaha biyaha oo ay halkaas ugu yimaadeen burcad badeeda soomaaliyeed. 

Sida ay sheegeen dadka markabkaas saarnaa, waa markii labaad ee inta lagu jirey asbuucaan gudihiisa lagu weeraro markab laga leeyahay dalka Gariiga,

"Tuugadaan halista ku ah marakiibta dalxiiska iyo mucaawinada waxay wataan doomo alwaax ah sida darteed marakibta waa wayn iyo dowladaha waa wayn waxaynu ka codsanaynaa in tuugadaan kolka la arkaba meeshooda lagula dhalaaliyo rasaas'" ayey yirahdeen ragii markabkaas saarnaa.