Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

War Joog Lagama karo Wiil Ibleys Turub u Qaadayo, Burcadi Haysatay Markabka Oo Dalbatay 35-Milyan $

Saturday - September 27, 2008

Hobyo : Tuko oo joog lagama karo wiil ibleys turub u qaadayo, burcadii Afdubayaasha haysta markabka laga leeyahay dalka Ukrain ee hubka sida laguna afduubtay xeebaha Somalia ayaa dalbaday lacag madaxfurasho ah oo gaaraysa $35-Milayn oo doolar, warkaaso ay la cajabeen wixi maqlay iyado la ogyahay in markabkaas ay ku wareegsanyihiin ciidamo mareykan oo doonaya in burcada ayen sina uga baxsan.  

Ruuxa u hadlay afdubayaasha oo lagu magacaabo Januune Cali Jaamac una waramay Saxaafada ayaa sheegay inay markabka iyagu gacanta ku hayaan ayna ka doonayaan madaxfurasho lacageed.

"Markabka waxaa saaran Taangiyo iyo hub kale oo fara badan, waxaana Captain-ka markabka uu markii hore naga qariyay halka ay ku socdaan, balse ugu dambeyn wuxuu noo xaqiijiyay inuu ku socdo dalka Kenya" ayuu yiri Januune.