Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Marykanka Oo Ku Taliyey Inu Markabka Burcadu Haysato La Dalooliyo Iyo Dawlada Ukrine Oo Diiday

Sunday - September 28, 2008

Ukarine: Sida la ogyahay dowlado badan aya isku baheystay sidii ay ku badbaadin lahaayeen markabka ay ku raran yihiin in ka badan 30 Tangi iyo shixnado kale oo hub ah, kaasoo ay dhowaan afduubeen burcad badeeda Soomaalida, sida horay loo sheegeyna burcdaas waxay ku gorgortameysa in la siiyo 20- 30 milyan oo doolar.

Ciidamada mareykanka oo markabkaas ku hareersan ayaa dagsaday dhawr qorsho oo ay ku doonayaan iney markabkaas wax uga qabtaan, waxaana qorshahooda ka mid ah in markabka ay dajiyaan oo waxa ku jiraba ay shuf beelaan, hasa ahaate qorshahaas waxaa diiday dawladda Ukraiin oo tiri macquul ma aha inaan dadkayaga bada ku halaagmo.

Sida muuqata Markabkaas, Mareykan iyo Ruush intaba wey u soo gurmadeen, waxaana la Aaminsanyahay oo qaylo dhaan ka jirtaa in hubka saaran ay gacanta u galidoonto argagixisada geeska iyo bariga Afrika.