Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Wey Ahaataye Maanta Si Wanaagsan U iida

Monday - September 29, 2008

Hadaanu nahay Bahda Websiytka Galdogob Times Waxan salaameyna oo aan lee-nahay CIID MUBAARIK dhamaan Shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan akhristayaasha Websaaytkaan Galdogob Times sida ay u dhan yihiin ee aduunyada hareera-heeda ku kala nool, waxan lee-nahay ku waara Bash- Bash, BARWAAQO, CAAFIMAAD, IYO HORUMAR intaba, iyo Guul Nabadgalyo U SOO HOYATA Umada Soomaali meel kasta ay joogaanba,nagana gudooma heestii Ciid iyo Maxamed Saleebaan:-


ALLA MAANTA AYAANTA IYO CIIDA WANAAGSAN, ILAHEEN INA SIIYEY ISAGAA KU ABAAL LE,------- WAY AHAATAYE MAANTA SI WANAAGSAN U IIDA.

ARDAY AAD UBAX MOODO ODAYAAL TALINAAYA, ILAHEEN INA SIIYEY ISAGAA KU ABAAL LEH.------ WAY AHAATAYE MAANTA SI WANAAGSAN U IIDA,

CALAN-KEENA IFTIIMAY XIDIGTAA KU ASTAYSAN, ILLAHEEN INA SIIYEY ISAGAA KU ABAAL LEH,----- WAY AHAATAYE MAANTA SI WANAAGSAN U IIDA.

iLAAHEEN HA INOOGA DHIGO KHAYR IYO BADHAADHO AYNNU KU WADA RAYSANO, OO NABAD LEH, IS AF-GARASHO, CAAFIMAAD WAARA.

                                                    Galdogob Times News Desk