Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Cirku Waa Daruurinaya Goortu Di'i Yaa Og, Midkii Dhiig Ka Di'i Yaa Og " Rabiga Og"

Friday - October 3, 2008

Ukrain- Kiev : Wararka soo gaaraya shabakadaan ayaa sheegaya in Maraakiib hore leh oo ah kuwa dagaalka ay gaareen halka lagu haysto markabka MV Faine, waxaana ka mid ah mid laga leeyahay wadanka Ukrain, waxayna dhamaan maraakiibtaas u soo xayd xayteen iney afduubayaashaas gudaha markabka ugu galaan oo ku laayaan.

Sido Kale diyaarado dagaal ayaa dul-heehaabaya Markabka hubku saaranyahay iyadoo dowladaha Mareykanka iyo Ruushku ay aad u ilaalinayaan dhaqdhaqaaqyada kooxaha burcada ah ee gacanta ku haya markabka, lana eegayo in ay hub kala dagaan ama ay baxsadaan.

Kooxaha afduubayaasha ayaa lafahaantooda qiray inay jiraan maraakiib dagaal oo ku soo badanaya goobta ay markabka ku haystaan oo saacad kasta ay filanayaan in werar lagu soo qaado, waxayna sheegteen in ay doonayaan lacg kaliya ee aysan rabin hub iyo shaqaalaha saaran midna.