Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Sheekh Aadan Madoobe " Buntukh Iyo Rasaas Bey La Ordayaan Iyagoo Cadawga Somaali Beeso Ka Soo Qaata"

Sunday - October 5, 2008

Baydhabo : Guddoomiyeha Baarlamaanka Soomaaliya sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe oo shir Jaraa'id ku qabtay Magaalada Baydhabo waxaa uu sheegay in dowladdu aysan u guuri karin dal kale isagoo sidoo kale ku eedeeyay kooxaha la dagaalamaya ciidamada shisheeye iyo dowladda KMG ah kuwa ay ka muuqdaan astaamo qabiil beesana ka soo qaata cadawga, isla markaana ay diinta ku gabnayaan waa sida uu yiri sheekh Aadan Madoobe.

Afhayeenka Baarlamaanka waxaa uu ku eedeeyay Kooxaha dagaalada kula jira ciidamada shisheeye ee ku sugan dalka soomaaliya inay Hay'addaha gargaarka qaar ka mid ah gobolada dalka soomaaliya ka hor istaagaan shaqadooda isagoo dhanka kale sheegay in ay u ogolaadan inay ka howlgalaan Hay'adahaasi qaar ka mid ah dalka.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyeha Baarlamaanka in dowladda KMG ah iyo Baarlamaankuba aysan ka guuri doonin Magaalada Baydhabo iyo Muqdisho kadib markii ay soo baxeen maalmihii ugu dambeeyay warar sheegayay in dowladda iyo xubnaha Baarlamaanka looga yeeray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.