Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Ciidamada Amniga Sacuudiga Oo Xabsi Ku Miisay Arday Lagu Tuhmay Iney Boqortooyada Boqon-gooynayaan

Sunday - October 5, 2008

Riyaad: Sida warar la sugayo lagu xaqiijinayo waxa la sheegaya in ciidamada amniga dawladda Sacuudiga ay baryaahaan ugaarsasho ba'an ku hayso arday sacuudiyiin ah oo la sheegay iney mu'aamaro u maleegayeen boqortooyada sacuudiga oo ku talajireen iney argagax iyo qaraxyo ka fuliyaan halboolayaasha dhaqaalaha dalka iyo goobo badan oo dawladdu ku shaqeyso.

Warka ayaa itaa raacinaya in qabqabashada ayen ku koobneyn ardada oo qura balse la tilmaamayo in iyagana xabsiga loo taxaabay niman wadaado ah oo lagu tuhunsanyahay iney shirqooladaas ku lug leeyihiin, sida la carbaabayana tirada la filayo in xabsiga loo taxaabay wey cagacageyneysa illa 50 qof oo ay ku jiraan in badan oo dhawaan ka soo laabtay waxbarasho dibada.