Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 17 April 2024

Maamulka Islaamiga Ee Kisimayo Oo Beryahaan Talaabadu Qaado ka Macaasha Aya Furay Dekadi Xirneyd

Wednesday - October 8, 2008

Kismaayo: waraka ka soo baxaya magaalada kisimaayo ayaa sheegaya in guddigi islaamiyiinta ee loo magacaabay maamulka magaalada ay maalinba maalinta ka dambeysa talaabooyinka ay qaadayaan ay tahay mid laga macaashayo oo bulshada halkaas ku dhaqan ay illa xad ku diirsadeen markii laga eego dhinaca nabadgalyada iyo hawlgalada maamul ee ay halkaas ka wadan, hasa-ahaate dadku waxay quudareynayaan awoodooda aqoon maamul, siyaaso oo ah mid aan sidaas u si fogeyn oo ay dhicikarto iney la kuf-kufaan.

Dadku waxay leeyihiin inkasto ay maamulkooda ku saleysantahy ifta ka soo baxda wadado aan la aqoon darajada ay cilmiga diinta ka gaareen, haddana waxa jira waxyaabo badan oo ay xakameeyeen sida isku dhaci badnaa oo ka iimaan jiray xaga isbaarooyinka la dhigto dekada iyo meelaha muhiimka ka ah magaalada.