Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Bulshada Xudur Oo Soo Dhaweeysey Hawlgalada Islaamiyiinta Ay Ku Sugeen Nabada Xudur iyo Agagaarkeeda

Sunday - October 12, 2008

Bakool- Xudur : Maamulka islaamiyiinta ee ka howlgala Degmada Xudur ee Gobolka Bakool oo tiro dad ah falal amaandaro ku soo xirxiray, kadib markii ay burcad sifeen ku sameeyeen degmada xudur iyo degaanada u dhaw-dhaw halkaas oo ay ku soo qab qabteen in ka badan 5 ruux oo falal amaandaro ka geysanayey degaanadaas.

Waxaana la tilmaamay in 5 taasi ruux in loo gudbiyay saldhiga ciidanka booliiska degmada Xudur, halkaas horay saldhigaasi ay ugu jireen kuwo kale oo iyaguna laga soo qabtay qeybo ka mid ah gobolka Bakool oo ku kacayay falal amaandaro.