Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Khilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhex Galay Labadii Shariif Ee Isbahaysiga Garabka Jabuuti

Wednesday - December 10, 2008

Jabuuti- Sida ay Sheegayaan Wararka ka imaanaya magaalada Jabuuti ee caasimada wadankaas Jabuuti khilaaf ayaa ka dhex dhex-curtey xubnaha sar sare ee hogaanka Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya garabka labada Shariif, kuwaasi oo isku maandhaafay habkii ay u qaybsan lahaayeen xubnaha baarlamanka ee loo qoondeeyey shirkii dib u heshiisiinta ee Jabuuti.

ILo wargal ah oo la isku haleyn karo oo ka gaabsadey in magacooda saxaafada laga sheego sababo ku aadan xasaasiyada uu warkani leeyahay ayaa waxay u soo sheegeen shabakadaan galdogob times in khilaafka uu si toos ah uga dhex-curtey Gudoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta garabka Jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Golaha dhexe ee garabkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxaana ilo wareedkan ay sheegeen in uu dhacay kulan ay ku kala tageen Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan kaasi oo looga hadlayey arimaha ku aadan qaybsiga xubnaha Baarlamanka ee 270-ka ka kooban ee ay saami ahaan u heleen Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya iyo qaybaha ururada bulshada rayidka ah.