Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Inaalilaahi Waa Inaa Ilaahay Raajicuun

Wednesday - December 10, 2008

Waxaa dhamadkii biishii Nofembar 2008 Alaha u Naxariiste Jaamac Maxamuud Takar "Jaamac Joocaar" oo ku geeriyooday Magaladda Galkacyo halkaaso u in muddo ah u kula halgamayey xanuun waqti hore si kadis ah ugu soo booday.

Marxuum Jaamac Joocaar waxuu ahaa nin magac caan ku dhex lahaa bulshada soomaaliyeed oo lagu tixgalin jiray xaga siyaasada iyo dhaqaalahaba , waxuuna lixdimaadkii xubin firfircoon ka ahaa idaaradi xisbiga SYL ee dalka gaarsiisey xurnimo buuxda, dabadeed jaamac waxuu ka mid ahaa Aasaasayaashi xisbigi la oran jiray SDU ee ka gadooday xisbigii SYL marku marinkii lagu ogaa ka beyray.

Marxuum Jaamac Waxuu Dhalay iyo waxy si dhaleen waxay dhan yihiin 63 Qof oo dunida dacaladeeda ku kala nool, marxuumka waxaan alle uga bareynaa in ilaahay qabriga u waasicyo oo jaana fardoosa ka waraabiyo Amiin Aamiin.