Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Jimcaha Iyo Baraarujinta Maanta " Shan ka Faaiideyso Intaan Shan Kugu Iman" By Xasan Xuseen

Thursday - December 11, 2008

'Shan ka faaiidayso Intaan Shani kugu Iman"

Walaalkayga muslinka ahow waxaan ognahay inaynu muslin ahayn mudo ka badan 14qarni,oo aynu rasuulkeenii suubanaa (SCW)ka dhaxalnay kitaabka quraanka kariimka ah oo kalaamkii ilaahay iyo Sunnaha rasuulkeenii Nabi Maxamed(SCW),sida ku cad axdiista rasuulku ka ee inoo dardaarmay,Iasgoo leh waxaan idiinka tagay labada aamusan ee raaca kuwaasoo ah Kitaabka Quraanka ah iyo Sunahayga.
Sidaas awgeed  walaalkayga muslinka ahow waxaan kugu xasuusinayaa Qormadaydan inaad isku ilaawin Aduunyada ilaahay inoo cadeeyay in laga guurayo,inaguna aynu indhaheena ku aragnay inay run tahay,maadaama aynu garanayno in badan oo shalay noolayd aanay maanta aduunka joogin ee ay dhimatay ee miyaanay ahayn inaad u sahay qaadato Qabriga madow ee la galayo iyo imtixaanka qabriga ka bilaabmaya ee dhibta badan ilaa qiyaamahana taagan sida ilaahay quraanka inoogu sheegayo isagoo leh(Sahay  qaata waxaad sahay u qaadataana waxa u gu khayr badan cabsida ilaahay).

Walaal ma ogtahay in qabrigu maydka la hadlo marka lasoo duldhigo isaga oo odhanaya (Ina aadamow maanta ku soo dhowoow waxaad soo hormarsatay ,Marka la aaso ee lagaga dareerana  wuxuu ku yidhaahdaa Maydka (dadkii way ku aaseen,waanay kaa tageen waxna kuuma ay qaban,aduunyadii maal badan ayaad ku ururisay,waxaanad uga soo tagtay cid kale oo aan abaal kuugu qabin,xasanaadka ay xoolahaa ku sameeyaana  miisaankooda ayaa loo saarayaa ,qiyaamahana adigaa lagu su,aalayaa meeshaad ka keentay iyo meeshaad ku bixisay.