Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Saansaanta Shariifka Ka Soo Socota "Argagixisadii Intaas Baa Laga Dilay, Waan Soo Qabqabaneynaa..."

Friday - December 12, 2008

Marka ay timaado sheekada hogaaminta dalka waxaa yaraa ruux la’isleeyahay wuu ka mudanyahay Shariifka, wixii ka horeeyey markii sirdoonka Kenya ay ka qabteen Xuduuda labada Wadan ay wadaagaan, deetana loo sii gudbiyey Safaaradda Amerikanka, iyado qaybihii kale ee Islaamiyiintana lagu garaacayo B-52 Taasina waxa la rumaysanyahay in ay ahayd ra’yiga inta badan dadku ka qabeen.

Shariifka Waxaa la xasuusanyahay haybadda iyo karaamada ka muuqatay markii uu ka baxayey Muqdisho,Wuxu ka baxay isagoo cadawga ILLahay uu cadaw u yahay, wuxuu ka baxay isaga oo Mujaahidiiuntu hareerihiisa taaganyihiin gaashaanna ay u yihiin, wuxuu ka baxay iyadoo laga hari la’yahay’Mujaahidiintuna midaysanyiin, isaguna uu leeyahay "idinkama tagin" Wuxuu ka baxay isagoo Qamiis cad xiran, Shacaa’irta ama astaamaha Islaamkuna ay ka muuqato,Wuxu ka baxay isaga oo ereygii uu yiraahdaba EEBE oo Mujaahidiinta raaligelinayo. Hamiga iyo rajadii dadku ay ka dhowrayeen Shariifka waxay kala mid ahaayeen, Cumar Carte Qaalib oo horaantii 90’kii Cali Mahdi u Magacaabay Ra’isul wasaare, isaga oo cabiraya sida uu ula dhacsanyahayna la sheegay inuu ku maansooday sidan.

· Mudanihii la doortow,
· Maata samatabixiyow,
· Mahdigaan sugaynow,
· Mu’miniintu sheegtow,
· Maalmaha dhibaatada
· Magiciisa khyrka leh
· Kii lagu meel marayow

Kan darajada bixiya waa Alle, isaga ayaana adoomadiisa kala doorta, waase nasiib darro in Sharaf iyo Cizi ILLahay kula dontay aad iska diido, oo aad ka doorato dhal-dhalaal been ah, darajo Shaydaan iyo balan qaad dadka aadanaha ugu xun"Gaalo" Kursi jacayl iyo malaha baqdin darteed Qowlkii wanagsanaa ee uu Umadda u sheegi jiray ayuu shacbiyadaas iyo taageerada baaxada leh ku helay, Maantase Xaajadu waa si kale.


Bilcagsi "opposite" sidii hore si ka bedelan:- wuxuu ku soo laabtay isagoo Cadawga ILLahay ay saaxiib u yihiin...itoobiyaanka iyo ciidamada AMISOM miysan ahayn kuwi yiri waxaan la dagaalameynaa islaamiyiinta, Wuxuu ku soo laabtay iyada oo Gaaladi iyo Gaalo raacyadu u ku khudbeen jiray ay hareerihiisa taaganyihiin, gabbaadna ay u yihiin.

Wuxuu ku soo laabtay iyada oo la karaahsanayo imaatinkiisa,niyadana laga leeyhay fidno ayaa timid, qaarna ay si cad uguba dhawaaqayaan, Mujahidiintii shalay midaysnaana ay yihiin 10neeyo firqo...Wuxuu ku soo laabtay isagoo Suud madow xiran...Garkii iska soo xiiray isbedel badana uu ka muuqdo...Wuxuu ku soo laabtay isagoo Ereygii uu yiraahdaba uu  cadawgii shalay la dagaalamayey farxad gelinayo Alle iyo Muqaawamadii ka caraysiinayo...Wuxuu ku soo laabtay isaga oo ay iskaga darsantahay ficiladiisi shalay iyo maanta.