Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Bayaankii Golaha Isimada Puntland Oo Dhameystiran

Saturday - December 13, 2008

 Ka {Garoowe} 13-12-08" Golaha Issimada Puntland

Ku: Madaxwaynaha maamul Gobleedka Somaliyed ee Puntland

Ku: Murashaxiinta u tartamaya madaxtinada Puntland

Ku: Saxaafada madaxa banaan dibad iyo gudaba

Og: Dadweynaha Reer Puntland

Ujeedo: Gudoon Issimo

Ujeedo: Gudoon Issimo

Kadib markii ayna soo gaadhay dacwad musharaxiinta ay ku muujinayeen inuu jiro khilaaf ku saabsan inaan lagu wada qanacsaneyn habka doorashada loo wajahayo xulida guddiga khilaafaadka iyo ansaxinta xubnaha gollaha wakiilada Puntland, sugida amaanka iyo tasarufka dhaqaalaha dalka,

kadib markii Issmada la kulmeen mas'uliyiin kamid ah maamulka sida madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, Wasiirka Maaliyada iyo Sarkaalka loo xilsaarey sugida nabadgalyada.

Waxay Issimada guda galeen sidii xal loogu heli lahaa arrimaha kor ku xusan.

Falanqeynta iyo dood maalmo qadatey kadib markay muuqatey khilaaf jira darteed in loo baahan yahay in la helo xal lagu wada qanci karo Issimadu waxey Gudoomiyeen:

1- Doorashada iney ku qabsoonto waqtigii loo mudeeyey.

2- Nabadgalyada

A. In Taliyaha ciidanka Sugida amniga xiliga doorashada uu si buuxda amniga u sugo caasimada iyo goobaha doorashada.

B. Inta ka horeysa 31 December uu ka amarqaato maamulka.

C. In taliyahu Laga bilaabo 1 Jan. ilaa 10 January uu ka amarqaadan doono Issimada.

D. In tirada ciidanku aaney ka yaraan 300 oo askari, kana koobnaadaan gobolada Puntland.

E. In Ciidanku leeyahay astaan ka gaar ah ciidamada kale.

F. In dadweynuhu ay gacan ka siiyaan ciidankaas gudashada wajibkooda.

G. Laga bilaabo 1 jan. inay reeban tahay ku sidashada hubka magaalada dhexdeeda marka laga reebo ciidankaas.

H. In murashaxiinta dowlada iyo shacabkuba aaney Tekiniko iyo ciidan ka badan Shan Askari la imaan karin goobta doorashada.

3 Dhaqaalaha

A.In dowladu aaney u isticmaalin hantida dowlada noockasta oo ay tahay ololaha doorashada u garka ah iyaga.

B.In Isla dhaqaalha dowlada lagu bixiyo qorshaha misaaniyada sida mushaharka IWM,

mudnaanta Kowaadna la siiyaa haqab tirka ciidamada sida gaarka ah loogu xilsaarey sugida amniga iyada oo si buuxda loo tixgalinayo baahida dhaqaale ee uu taliyuhu la yimaado.

4. Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansaxinta golaha Wakiilada

A: Waxaa jiraya Todoba xubnood oo guddi marjac Issimood ah

B: Guddiga xalinta khilaafadka iyo ansaxinta wuxuu ka koobnaan doonaa 7 xubnood

C: Gudoomiyaha guddiga wuxuu ahaan doonaa kiisii hore

D: Sadexda Xubnood ee Sool, Sanaag iyo Karkaar waxaa sooo xulan doona murashaxiinta shacabka

F: Go'aan qaadashada gudiga laguma meelmarin karo cod qaadis

G: Wixii guddigu isku khilaafo waxaa loo soo gudbinayaa guddiga Issimada ee ku xusan qodobka 4 aad faraqiisa A si ay uga gaaraan go'aan kama dambeys ah.

H: Waa in xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansaxintu fadhiyaan 15 December

I: Qabashada waraaqaha kalsoonida xubnaha Barlamanka galaya waa iney 20 Bishan

Gabgabo:

Issimadu waxay dadka reer Puntland ee arrimaha doorashada ku howlan si naxariis leh uga codsanayaan iney si hufan uga qayb qaataan doorashadaas aadna looga fijignaado wixii wax u dhimi kara xasiloonida iyo habsami u socodka doorashada iyo wixii la hal mala, islamar ahaantaa xubnaha tartamaya waxay ku boorinayaan iney si degan oo mas'uuliyadi ku dheehan tahay u gutaan xilka qaybta ay ku leeyihiin cidii guuleysatana loo hambalyeeyo si lalana shaqeeyo murashaxiinta ku guuleysata doorashadaan waxaa laga rabaa iney suuragaliyaan qabashada doorasho si looga gudbo qaabkaan soo noqnoqdey.