Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Nuur-Cad Oo Seeftii Duq Cabdullaahi Qaaday "Ku Qadee Intusan Kugu Casheyn"

Sunday - December 14, 2008

Baydhabo: Madaxweynaha Soomaaliya ee KMG-ka ah, ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in uu xilka ka xayuubiyey, Raiisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen, taa oo macnaheedu yahay in uu kala diray dowladda, laakiin wey adagtahay ayaa la leeyahay sidii u go'aankaas ku hirgali-karo ma daama ay ku soo beegantay waqti xasaasi ah oo dockasta waxyeelo ka jiraan faraqyadana la is haysto 

Madaxweynuhu wuxuu xukuumadda uu madaxda u yahay Nuur Xasan Xuseen uu ku eedeeyay in ay isku darsatay waxqabad la'aan, khiyaamo iyo musuqmaasuq.

Wareysi uu BBC Laanta Soomaaliga siiyay, ayuu Madaxweynuhu ku tilmaamay in aan arrintan baarlamaanku waxba ka qaban karin oo ay markii horeba caddaan ahayd hawlaha dowladda laga doonayo in ay ku qabato 12 bilood isla markaana sheegayay in ay dhacayso haddii ay ku guul darreysato.

Sida la ogyahay Madaxweynaha iyo Raiisal Wasaaruhu in muddo ahba iskuma fiicnayn, wax wadatashi ama wadahadal ahina kama dhexeyn, waxaana la rumeysanyahay inu mid kasta dhiniciisa jiririqsiga ilkaha iyo dhibin ruug la ciil cunay oo macangagnimo iyo qabweyni u tafa xayteen, waxayna halkii la ga sugayey samatabixin iyo wada shaqeyn ay bilaabeen is xag-xagasho iyo hawlihii qaranka ay xayiraan.

Labadaan Jaalle Khilaafkoodu inkasta madmadow horay u jiray wuxuuse xoogeystay markii Golaha Wasiirradu ay raacdeyeen xilkana ka qaadeen Duqii Muqdisho, Maxamed Cumar Xabeeb iyagon madaxwynaha kala tashan taaso Cabdulaahi ka careysisey oo u qaatay in sharaftiisi iyo karaamadiisi meel looga dhacay oo xuduudi sharciga iyo xeerkii madaxtinimada la cizeynwaayey.