Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Carabta Oo Laga Mamnuucayo Iney Guriga Cad Ee Mareykanka la Soo Galaan kabahooda

Monday - December 15, 2008

Madaxweyne Bush oo Laba Kabood Lagu Weeraray Iyo Naxdintiisa+Daawo 
 
 Washinton/Ap(Oodweynenews)-Madaxweynaha Dalka Maraykanka Mr Bush oo Shalay Booqsho ku Tagay Magaalada Baqdaad ee Dalka Ciraaq Ayaa Si weyn u Naxay ka Dib Markii Wariye Reer Ciqaaq ahi Labadiisa Kaboo ku Weeraray oo uu Ku Shiiday, Taasi oo Khal Kah galisay Nolasha Bush
 
Bush ayaa bilaabay inuu ku gambaddo goobtii uu taagnaa reysalwasaaraha Ciraaq Nuur-Al-Maliki oo isagu sidii goolhaye banooni qabanaya oo kale damcay inuu kabaha uu ninkan ku soo weeraray Madaxweyne Bush ka-difaaco.

Weriyahan reer Ciraaq ayaa ku-dhawaaqayey ereyo ay ka yimid-yihiin (You are dog Mr-Bush)waxaana markii dambe weriyahan si deg-deg-ah gacanta oogu dhigay ciidamada amaanka reer Ciraaq iyo kuwa sirdoonka Mareykanka.

Ninkan ayaa hadii uu heysan-lahaa Pistoolad ama bambo la sheegay inay sahal u ahaan laheyd nuu ka taqaluso Mr-Bush,sida ay baahisay wakaalada wararka ee dalka Mareykanka ee loo yaqaan (CNN), maadaama habka uu weriyahan uu kabahiisa uu sida deg-dega oogu weeraray Mr-Bush ay aheyd arin aysan fileynin ciidamada ilaaladda ka ahaa goobtii uu shilkan ka dhacay.

Reysal-wasaaraha martida loo ahaa ee Nuur-Al-Maliki ayaa shilkan-kadib raali-gelin siiyay Madaxweyne Bush oo isagu maanta looga naxsaday kabbo uusan fileyn in lagu weerarayo
http://www.youtube.com/watch?v=WdvRWReY-Yo&feature=related
http://www.youtube.com/watch?v=WdvRWReY-Yo&feature=related
 
Foosi Saleebaan Aw-Bindhe
Oodweynenews Interbational
 
Isha Wararka Xaqiiqda ah