Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Gobolada Puntlaand Oo Ay ka Socdaan Mudaharaadyo Looga Soo Horjeedo Dawladda Kenya Iyo Nuur Cade

Wednesday - December 17, 2008

Garowe/Bosaso/ Galkacyo- Banaanbaxyo waa weyn ayaa maanta si wadajir ah uga socda Magaalooyinka Puntland oo idil waxaana looga soo horjeedo Nuur Xasan Xuseen, Raysalwasaarihii hore iyo Dawladda Kenya oo shalay sheegtay in ay Cunaqabateysay Madaxweyne Yuusuf.

Boqolaal dad ah ayaa iskugu soo baxay Xarunta Maamulka gobalka Nugaal ee garowe waxa ayna ka soo horjeedaan ama ay wataan Halku dhagyo looga soo horjeedo dawladda Kenya iyo Nuur Xasan Xuseen.

Dadweynaha ayaa sheegay in aysan dawladda Kenya ka tashan Aayaha iyo xiriirka ka dhaxeeya Shacbiga Puntland iyo Shacabkeeda, ayna qaadatay talaabo ka soo horjeeda Sharciyada caalamiga ah, ayna Puntland qaadi doonto talaabo aan ka yareysan mid ay shalay ku dhawaaqday, talaabadaas oo aysan sheegin nooca ay tahay.